Sawirro:-Booliskii ugu horeeyay ee Hir-Shabeelle oo tababar loo furay

Wasiirka Amniga Iyo Dhaqan Celinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabduqaadir Aadan Jeele Ayaa Maanta si rasmi ah tababar Jowhar ugu Furay Ciidan Cusub oo ay yeelaneyso Hir-Shabelle kuwaasi oo ka mid noqon doono Booliska Hirshabele.

Madaxa Tababarrada UNPOS Ee Hir-Shabelle Mr Linches , Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ,Taliyaha Qeybta Ee Militiriga Sh.Dhexe Korneyl Ibrahin Yuusuf ,Guddomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Ka Qeyb Galay Munaasabada Furitaanka Tababarka Ciidanka Hirshabelle.

Ciidan Tababarka loo furay ayaa la filayaa Inay qeyb ka noqdaan Hannaanka dhismaha Ciidanka Hirshabelle oo horay uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Ballan qaaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media