Sawirro:-Banaanbax ka socda Magalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo banaanbax looga soo horjeedo kufsi la sheegay in uu ka dhacay tuulo hoostagta degmada Guriceel.

Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Dhuusamareeb iyo ardayda waxka barata iskuulada Magaaladaas ayaa ddigaya banaanbaxa,waxana ay dalbanayaan in cadaalada lahor-keno dadkii ka dambeeyay kufsigaas.

In kastoo weli cadeyn rasmi ah la keenin oo muujineysa kufsi wadareed la sheegay in tuulo hoostagta degmada Guriceel loogu geystay Gabar yar ayaa hadana dadka banaanbaxa dhigaya ay sheegayaan inay aad uga xun yihiin.

Maamulka degmada Guriceel yo laamaha maniga Galmudug weli sirasmi ah ugama hadlin kufsigaas sidaweyn Baraha bulshada loogu faafiyay ee la sheegay in Gabadha yar tiro rag ah ay u geysteen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor