Sawirro:-Banaanbax ka socda Magaalada Gaalkacyo

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa haatan ka socda Banaanbax ay dhigayaan Dhalinyaro farabadan iyo Ganacsatada ku nool Koonfurta Magalada Gaalkacyo.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay ka cabanayaan Kooxo hubeysan oo Gaadiid ay leeyihiin dad Ganacsato ah ku xanibay duleedka Magalada Gaalkacyo,kadib isbaarooyin la soo dhigay deegaanadaas.

Banaanbaxayaasha ayaa ayaa waxa ay dhagxaan Waaweyn ku xireen Wadooyinka Waaweyn ee k la qeybiya Koonfurta iyo Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in duleedka gaalkacyo maleeshiyaad hubeysan ay uga xayireen Gaadiid wada Xoolo iyo badeeco ay leeyihiin Ganacsato,waxa ayna ka dalbadeen Madaxda Galmudug inay waxka qabtaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor