Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Dadaweyne farabadan oo reer Hiiraan ah ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waaweyn ee Baladweyne,kuwaasi oo isugu jira Haweeney Caruur,dhalinyaro badan iyo Odayaal,isla marlkaana waxaa ay uga soo horjdaan Madaxweyne Waare.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa xiray qaar kamid aha Wadooyinak ku yaalla gudaha Magaalada Baladweyne,iyagoona ku gubaya taayaro waaweyn,sidooo kalena ku xiray dhagxaan iyo Birro.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Baladweyne ay kala xiran tahay,isla markaana meela qaar uu kahad ku jiro isku socodka dadka iyo ganacsiga.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Magalada Baladweyne uu ku wajahan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana heegan buuxa la geliyay Ciidamada amniga Magaalada,iyadoona ay xusid mudan tahay in goorsii hore ee Maanta Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan ee uu ku shaqeynayay Guddoomiye Yuusuf Dabageed ay la wareegeen Ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Siyaasada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan Khilaaf,kadib markii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed xilka qaadis lagu sameeyay uu diiday.