Sawirro:-Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiisha hoggaamineysa dagaalka Shabaab looga saarayo Jubbada Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) oo weli ku sugan degmada Afmadow ayaa kulan la qaatay laamaha Amniga degmooyinka Qooqaani iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe oo ay hadda Maamulana dagaalmayasha Al-Shabab,hayeesheeMaamulka Jubbaland uu u diyaar garoobayo sidii uu uga saari lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sugida Nabadgalyada deegaanada ku jira gacanta maamulka  iyo sidii Maamulada deegaanada ku dhow Degmada Afmadow ay u dardar galin lahayeen howlahooda Shaqo.

Madaxweynaha ayaa Saraakisha uu la kulmay ku booriyay inay xoojiyaan sugida amniga iyo sidoo kale inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya Gobolada Jubbooyinka.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka Madaxweynaha iyo laamaha Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor