Sawirro:-Axmed Madoobe oo booqday Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada Qaran ee ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Rayid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeerayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado waa sida uu hadalka u dhigay.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada Dagaalka Shabaab lagu qaadi doono ayuu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deeganada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor