Sawirro:-Askarta Yuhuudda oo toogasho ku dilay Gabar Reer Falastiin

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijisay inay Askarta Yuhuuda ay saakayto toogasho ku dileen Gabar Falastiiniyad ah oo la oran jirey Samaah Saahir Mubaarak oo 16-jir ahayd.

Askarta Yuhuudda ayaa la sheegay inay Gabadhaasi ku toogteen Bar Kontorool oo lagu magacaabo Al-zaayim oo ah dhabaha laga galo  dhulalka dadka Yuhuudda sida sharci-darradda loo dejiyey ee Maale Aduumin ee Bariga magaalladda quddus-ta la-haysto.

Afhayeen u hadlay Askarta Yuhuudda ayaa sheegay inay Gabadhaasi toogteen, xilli  iyadoo tooreey wata u soo caratay dhanka ay joogeen  Askar ku sugnaa Barta Kontoroolka ee Al-zawiim.

Marxuumadda oo ka soo jeeday magaalladda Ramallah ayaa la sheegay inay u geeriyootay dhaawacyadii rasaastii lagu furay.

Dhinaca kale, Askarta Yuhuudda waxay si Ku-meel-gaar ah u xireen Barta Kontoroolka ee ay ku dileen gabadhaas da’da yar ee Reer Falastiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media