Sawirro:-AMISOM oo sharaxday xayiraadii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Garoonka Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Madaxa Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya,dhowr todobaad kadib markii  AMISOM garoonka Muqdisho ku xayireen guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay wehlinayeen labadiisa ku xigeen iyo Madaxa Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac,iyada oo AMISOM faah faahisay xayiraadii guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo protocol-ka,si isku-dhow ayaan wax isugu fahanay,waxana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynaya in si dhow an labadeena dhinac u wada Shaqeyno ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdulalahi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya,sida lagu daabacay Warbaahinta AMISOM.

Marka laga soo tago sharaxaada AMISOM ay ka bixisay dhacdadii xayiraada ee Guddoomiyaha Aqalka Sare majirin jawaab rasmi ah iyo raali gelin ay ka bixiyeen xayiraada lagu sameeyey 19-kii Bishii june ee Sanadkaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor