Sawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii shalay

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkaas oo qaatay saacado badan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar Culus oo dhowr jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, la isku adeegsaday hub Culus.

Khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac oo guulo waaweyn kala sheegtay dagaalkii oo lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa ee muddooyinkii dambe ka dhacay Mudug.

Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay gaadiid nooca dagaalka iyo Meydad ay ku sheegeen inay yihiin qaar kamid ah Askartii Ciidanka dowladda Federaalka ee lagu dilay weerarka, waxaana sawirrada lagu faafiyay baraha qadka ee Shabaab.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku qabsatay illaa 6 gaari oo ay ku rakiban yihiin qoryaha culus waxayna kala yihiin 2 gaari oo Zuugag ay ku rakibanyihiin, sedax Cabdi Bile oo dhashiikayaal ay ku rakiban yihiin iyo gaari uu saaranyahay qoriga B10-ka loo yaqaan iyo hub.

Waxaa kaloo ay sheegeen Al-shabaab inay dileen 56 askari oo ka tirsan Ciidankii dowladda ee ku sugnaa Saldhiga ay weerarka ku qaadeen, iyagoo tilmaamay in Askarta la dilay ay ku jireen sedax sarkaal, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinac kale Wasaaradda amniga Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda qeybta 21-aad ayaa dhankooda sheegtay in weerarkii deegaanka Bacaadweyn ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo Shabaab ahaa, halka xubno kalena ay gacanta ku dhigeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media