Sawirro:-Afhayeenka Jabhadda ONLF oo gaarey Magalada Adis Ababa

Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Galabta soo gaaray  wafdi uu hoggaaminayey Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabduqaadir Hirmooge (Cadaani)

Afhayeen Cadaani oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Adis Ababa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Xubno kale.

Inta uusan tegin Galabta Adis Ababa ayuu saakey waxa uu Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kaga dhawaaqay xabad-joojin dhinacooda ah,maadaama mudo tobaneeyo sanno ah ay dagaal kula jireen dowladda Federaalka Itoobiya.

Inta uu ku sugan yahay Magalada Adis Ababa ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madax ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Tan iyo markii xilka Ra’iiul Wasaaraha Itoobiya uu la wareegay Abiy Axmed ayaa dalka Itoobiya wax uu galay isbedelo siyaasadeed,isaga oo la heshiiyey inta badan mucaaradkii iyo kooxihii ka  soo horjeeday dowladda Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor