Sawirro:-Abaanduulaha Ciidanka xooga oo booqday Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Abaanduullaha Ciidanka Gen Odowaa Yuusuf Raage oo ay Wehlinayeen taliyaha Guutada 7aad Col Xassan Maxamed Abuukar ayaa Maanta Kormeer waxa ay ku tageen Difaacyada Ciidanka Xooga Dalka Somaliyed Ee Duleedka Dagmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kormeerka ayaa ahaa  mid ay ugu  kuur gelayeen  Xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka eek u jira difaacyada ee Gobolada dalka Soomaaliya kaas oo uu maalamahaan waday Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage.

Gen Odowaa Yuusuf Raage Abduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyede ayaa Warbixin Ka Dhageystay Saraakiishii ku Sugnayd Goobihii uu Booqday,waxaana Ciidanka xoogga dalka uu kula dardaarmay in ay si wadajir ah ay u fuliyaan Howlgalada ka socda Shabellaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor