Sawirro:-Aas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Ciise Dheere

Allaha u naxariistee waxaa Maanta qabuuro ku yaalla Magaalada Muqdisho lagu aasay Danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay Dalka Ciraaq Ciise Maxamed Cali (Ciise dheere) oo saaka geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum Ciise Dheere ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisu Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Finish, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Dhammaan Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb gashay Aaska Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Ciraaq ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabadda iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka maalmihiii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoona ugu dambeyn xanuunkii uu u geeriyooday sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

AUN  Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas  ku dhawaad 50 sanno ku dhexejiray  diblamaasiyadda sigaar ah arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media