Sawirro:-24 Saac kadib Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal oo kulmay

Tan iyo markii Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ay mooshinka ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka waxa ay aheyd mid kacsan.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa Maanta waxa ay sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xabsi Guri laga dhigay,isla markaana Xildhibaano la kulmi lahaa loo diiday.

Caawa ayaa Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu sheegay in 24 Saac kadib ay ka boodeen biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada.

Lama oga sax ahaanshaha warka ka soo baxay Xildhibaan Mahad Salaad,hayeeshee waxaa lagu soo waramayaa in Caawa uu kulan u socdo kaas oo aan la ogeyn waxyaabaha kasoo bixi doona.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor