Sawirrio:-Rasaas lagu furay Guriga Sheekh Shariif iyo faah faahin kasoo baxeysa

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Maanta  waxaa la sheegay inay rasaas ku fureen Difaaca hore ee laga ilaaliyo Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.

Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran Cabdinaasir Sheekh Maxamed oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidankii Ilaalada ka ahaa Difaaca hore ee laga ilaaliyo Guriga Sheekh Shariif aysan wax jawaab ah ka bixin rasaasta lagu soo furay.

“Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska oo Namberkiisu yahay POL 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyadoo Ciidamada ilaalada ka ah guriga ay muujiyeen mas’uuliyad” ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur.

Sawirro laga soo qaaday Difaaca hore ee laga ilaaliyo Guriga Sheekh Shariif laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in halkaas ay ku dhacday rasaas oo dilaacisay qeyb kamid ah Difaaca carada ahaa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Ciidamo Boolis ah ay rasaas ku fureen Difaaca hore ee laga ilaaliyo Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media