(SAWIRO): Weriye ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo lagu jir-dilay Muqdisho.

Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka ayaa lagu eedeeyey inay si xun u jir-dileen Weriye Ismaaciil Mukhtaar Cumar “Orange” oo ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta Dowladda Federalka.

Muuqaal la soo dhigay Barta Face-book ayaa waxa ka muuqday Weriyaha oo garba-duub u xiran, isla markaagu jiidayo.

Ciiddanka falkaasi geystay oo aan Wejiyadooda la soo bandhigin ayaa la arkayaa iyagoo ku hareeraysan Weriyaha oo dhulka yaalla.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ciiddanka ugu xad-gudbeen Weriyahaasi, mana jiraan Askar loo soo xiray Falkaasi.

 

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media