(SAWIRO): Ugu yaraan 5 qof oo ku geeriyootay Is-qarxin ka dhacday Jamaacad ku taalla Nigeria.

Professor wax ka dhiga Jaamacadda Mayduguri University iyo 4 qof oo kale ayaa lagu dilay Is-qarxin lala beegsaday dad Salaadda Subax ee maanta ku tukanayey Masjidka Jaamacadaas ku taalla Gobalka W/bari ee dalkaasi
Ku-dhwaad 20-kalena ayaa ku dhaawacantay Is-qarxintaasi oo la rumeysan yahay inay Kooxda Boko Haram ka dambeeyeen.
Qarax Labaad ayaa waxa uu ka dhacay Albaabka weyn ee laga soo galo Jaamacaddaasi, waxaana la sheegay inay wax ku noqdeen Askar ku sugnayd halkaasi.


©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor