Saraakiisha ayaa sheegay in Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday Dhismaha Maxkamadda Sare oo ku taalla magaalladda Kaabul.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha, Ismail Kawasi ayaa sheegay inay 41 qof ku dhaawacantay Qaraxaasi oo ka dhacay meel ku dhow Albaabka weyn ee laga galo Dhismahaasi.
Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Najiib Daanish ayaa sheegay in Ninka is-qarxiyey uu lugeynayey, ka hor inta uusan la beegsanin shaqaale ka rawaxayey Shaqada.
Ma jirto koox sheegatay Qaraxaasi, balse Dagaalamayaasha Daalibaan waxay 4 sanno ka hor isku qarxiyeen isla Dhismaha Maxkamadda Sare, waxaana ku geeriyootay 17-qof.
©Radio Dalsan