(SAWIRO): Ugu yaraan 16 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Pakistan.

Warbaahinta Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in qarax lala beegsaday Dibadabax ay Dhakhaatiirta iyo Shaqaalaha Wershadaha farsameeya Daawooyinka ka dhigayeen meel ku dhow Xarunta Barlamaanka Punjab oo ku yaalla magaalladda Lahoor.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Nin watay mooto uu isku dhex qarxiyey Dibadbaxayaasha, iyadoo ay 2 Saraakiil Bolis ka mid yihiin dadka ku geeriyooday shilkaasi.

Taliyihii Ciiddanka Taraafikadda ee magaalladda Lahoor, Axmed Mobeen ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa dadkii lagu dilay qaraxasi.

Kooxda Daalibaan ayaa sheegatay qaraxaasi oo lagu dilay ugu yaraan 16-qof, laguna dhaawacay 60-kale oo ay ku jireen Suxufiyiin tebinayey Dibadbaxaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakjistan, Nawaaz Shariif waxa uu si kulul u cambaareeyey qaraxaasi lagu le’day.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media