Xilli ay socdaan baadigoobka Ninkaasi ayey Boliska Turkiga waxay baahiyeen sawir-gacmeedka ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Weerarkii dhimashada dhaliyey ee bishan 1-dii ka dhacay Dhismo lagu caweeyo “The Reina nightclub” oo ku yaalla magaalladda Istanbuul.
Wakaalladda Wararka ee Anadolu ayaasheegtay inay Sawiradaasi ay qaadeen Kamerooyinka Qarsoon ee Ammaanka “A closed-circuit television camera (CCTV camera) (CCTV)” , inkastoo uusan Muuqaalkaasi lahayn Taariikhda xilligii la qaaday.
Warbaahinta Turkishka ee Haberturk ayaa baahisay muuqaalka Sawirka waxa ay ku sheegtay inuu ahaa Ninkii geystay Weerarkaasi.
Muuqaalkaasi Video-ga ayaa la sheegay inuu ahaa Ninka weerarka geystay oo Muuqaalkaasi isaga soo duubay agagaarka Fagaaraha Taksim Square ee magaalladda Istanbuul.
Maamulayaasha dalkaasi ayaan ogeyn xilliga ama sababta loo duubay Muuqaalkaasi.
Mar sii horreysay, Boliska waxay xireen 8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Weerarkaasi.
Waxay kaloo Boliska saqdii dhexe ee xalay u dhaceen guri lala xiriirinayo Weerarkaasi oo ku yaalla Degmadda Zeytinburnu ee magaalladda Istanbuul.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Dhismaha lagu caweeyo ee “The Reina nightclub” ee Deegaanka shacbiyadda badan ee Besiktas ee magaalladda Istanbuul, halkaasi oo lagu dilay 39 qof oo badankooda ahaa Dalxiisayaal Shisheeye, waxaana lagu dhaawacay 69-kale.
Dadka lagu dilay Toogashadaasi waxaa ka mid ahaa 3 Hindi ah, 3 Lubnaani, 2 u dhalatay Urdun, Lammane asalkooda Tunisian ahaa, inkastoo ay Xaaska wadatay Labada Dhalasho ee French-Tunisian, Nin Sacuudiyaan iyo Haweeney Yuhuudi ahayd.
©Radio Dalsan