Ugu yaraan 17 Askari oo ka tirsan Maamul-gobaleedka Galmudug ayaa lagu dilay duqeyn saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Deegaanka Jeexdan ee duleedka magaalladda Gaalkacyo.
Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ee saldhigoodu yhay Garoonka Gaalkacyo duqeyn u geysteen Saldhig ay Ciiddanka Qaranka ku leeyihiin Deegaanka Godod ee duleedka Koonfurta Gaalkacyo
Ku-xigeenka Duqa Koonfurta Gaalkacyo, C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 10-Askri, laguna dhaawacay Askar kale.
Wasiirka Amnuga ee Maamulka Galmudug, Cismaan Nuur Cilmi “Taar-wale” ayaa ku eedeeyey Maamulka Puntland iyo Maraykanka inay ka mas’uul yihiin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Isagoo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayuu sheegay inay 16 Askari ku geeriyootay duqeynta ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Duqeyntaasi lagu burburiyey 4 gaadiidka Teknikadda oo ay Ciiddanka Galmudug lahaayeen.
Saraakiisha Maamulka Puntland waxay iyagana sheegeen in duqeyntaasi lala beegsaday Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab, balse, Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inaysan wax Saldhig ah ku lahayn duleedka Gaalkacyo.
Dhinaca kale, Dibadbaxyo looga soo horjeedo duqeynta lagu dilay Askar ka tirsan Galmudug ayaa waxa uu maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka weli wax hadal ah kama soo saarin wararka lagu sheegay inay Diyaaradahooda ka qeyb galeen Iska horimaadka u dhexeeyey Ciiddanka Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo kuwa Puntland.
©Radio Dalsan