Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin oo ka hadlay Kulan ka dhacay Aqalka Keremiliinka ee looga taliyo Raashiya ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka Safaaradaha ay ku leeyihiin Caalamka.
Hadalkiisa ayaa soo baxay wax yar kadib, markii Danjirihii Raashiya u joogay Turkiga, Andareey Karloof lagu dilay Bandhig Carwo Farshaxan oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Ankara.
Putin waxa uu sheegay in dilkaasi looga dan leeyihiin in lagu carqaladeeyo xiriirka Raashiya iyo Turkiga iyo dadaalka ay dowladaha Raashiya, Turkiga iyo Iiraan ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa Xiisadda Colaadeed ee dalka Syria.
Madaxweyne Putin waxa kale oo uu amar ku bixiyey in la adkeeyo Ammaanka Safaaraddaha Raashiya ku leeyihiin Caalamka, isla markaana doonayo inuu ogaado cidda soo abaabushay Toogashadaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Putin iyo dhigiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo ku wada hadlay Khadka Telefoonka ayaa isku waafaqay in Baarayaal ka socda Raashiya si degdeg ah u tagaan Ankara, si ay Baarayaasha Turkiga gacan uga siiyaan Baaritaanka dilka Ambassador Andareey Karloof.
Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka Turkiga ayaa lagu sheegay in Ninka dilka u geystay Safiirka Raashiya lagu magacaabo Melfut Mert Altintas oo 22-jir ah, kaasi oo ka tirsanaa Boliska Turkiga ee ka hortagga Dibadbaxyadda Rabshadaha wata.
©Radio Dalsan