(SAWIRO): NISA oo soo bandhigtay Gaarigii loo adeegsaday falal dad lagu dilay, laguna dhaawacay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa Saxaafadda u soo bandhigtay Gaari noociisu ahaa NOAH oo la sheegay in loo adeegsaday Weerarkii shalay lagu dhawacay Taliye-xigeenkii hore ee NISA, laguna dilay Afhayeenkii Maamulkii hore ee Ximin iyo Xeeb.

Gaarigaasi ayaa la sheegay in laga soo qabtay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmadda Kaaraan, waxayna NISA sheegtay inay ku raad-joogeen gaarigaasi.

Wararka qaar ayaa sheegayo in la soo qabtay dad lgu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhacdadii shalay lagu dhaawacay Taliye-xigeenkii hore ee NISA, Jeneral Xasan Maxamed Cali “Xasan Dheere”, laguna dilay Afhayeenkii Maamulkii Ximin iyo Xeeb, Maxamed Cumar Jimcaale “Hagafeey” iyo Askari ilaalo ahaa.

NISA  ayaa sheegtay inay sii wadi doonan Baaritaanka kiiskaasi, laguna raad joogo Eedeysanayaal kale.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media