(SAWIRO): Murashixiinta Madaxweyne ee ku sidkan Urur-diimeedyadda oo loo saadalinayo xilkaasi.

Doorashaddan waa tii 2-aad ee ka dhacda gudaha dalka Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii wixii ka dambeeyey  Burburkii Dowladnimo.

Intaynaan gudaha u sii gelin Falaanqeynta Murashixiinta ugu cadcad ee Xilka Madaxweynaha, bal aynu dib u milicsano magacyadda Madaxweynayaashii soo maray dalkeenna kadib Madax-bannaanida ee sannadkii 1960-kii, waxayna kala yihiin:-

  1. Aadan Cabdulle Cusmaan oo xilka hayey sannadihii 1960-kii ilaa 1967-kii.
  2. C/rashiid Cali Sharmarke oo xilka hayey sannadihii 1967-kii ilaa 1969-kii.
  3. Maxamed Siyaad Barre oo xilka hayey sannadihii 1969-1991-kii.
  4. Cali Mahdi Maxamed oo xilka hayey sannadihii 1991-1995-kii
  5. C/qaasim Salaad Xasan oo xilka hayey sannadihii 2000-2004-kii
  6. C/laahi Yuusuf Axmed oo xilka hayey sannadihii 2004-2008-kii.
  7. Shariif Sheekh Axmed oo xilka hayey sannadihii 2009-2012-kii.
  8. Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka hayey sannadihii 2012-kii ilaa Feb. 2017).

 

     

Haddaba, Iyadoo laga ambaqaaqayo Labadii Doorasho ee ugu dambaysay, Murashixiinta jaalka la ah Urur-diimeedyadda siyaasadeysan ayaana ku kala guuleystay, waxayn codadka ugu badan ka heleen Xildhibaanadda ay isku Aragtida yihiin.

Dadka ka faallooda Siyaasadda ayaa rumeysan inay Somalia ka gadmayso Siyaasadda taageeradda ka haysata Beelaha, Kooxaha Islaamiyiinta iyo Dhaqaalaha Siyaasadaysn.

Haatan oo ay Doorasho Madaxweyne ka dhici doonto Somalia, ayaa waxaa ku baratamayo 23 Murashax oo kala Aragti ah, kuwaasi oo is-diiwaan geliyey dabayaaqadii bishii January ee la soo dhaafay.

Murashixiinta Madaxweynaha waxay bishan February 2-dii ilaa 5-dii hor tageen Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka, iyadoo  Murashax kasta la siiyey 30 ilaa 40-daqiiqo, oo uu ku soo  bandhigay Siyaasadda uu ku hoggaamin doono dalka, haddii Xilka Madaxweynaha loo doorto.

Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka oo ay tiradooda guud dhan tahay 329 Xildhibaan oo 24 ka mid Haween yihiin ayaana la filayaa inay bishan February 8-da soo doortaan Mdaxweynaha 9-aad ee JFS.

7 Murashax ee ugu miisaanka culus Murashaxiinta Madaxweyne ayaa la sheegay inay kala yihiin::-

  1. Xasan Sheekh Maxamuud, 64-jir, Madaxweyne hore, Abgaal, Hawiye,
  2. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne hore, 52-jir, Abgaal, Hawiye,
  3. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, R.W. hore, 64-jir, Majeerteen, Daarood,
  4. Maxamed C/llaahi Farmaajo, R.W. hore, 54-jir, Mareexaan, Daarood,
  5. Jibriil Ibraahim C/lle, 48-jir, Abgaal, Hawiye,
  6. C/qaadir C/shakuur, Wasiir hore, 48-jir, Habar-gidir, Hawiye,
  7. Saciid C/llaahi Dani, 50-jir, Wasiir hore, Majeerteen, Daarood.

Falanqeeyayaasha Siyaasadda waxay rumeysan yihiin in  90% Wareegga ugu dambeeya isugu soo bixi doonaan Murashaxiinta  Madaxweyne ee xubnaha ka ah Koox-diimeedyadda aqlabiyadda ku dhex leh Siyaasiyiinta Labada Gole ee Barlamaanka.

Murashixiinta Madaxweynaha waxaa kaloo la sheegaa inay badankooda haystaan Dhalashadda dalalka deriska, kuwa Carabta iyo kuwa dalalka Reer Galbeedka, waxaana lagu xantaa inay yihiin Murshixiin maalgelin iyo taageero ka hela dalalka ay Dhalashadda Labaad ka haystaan.

Wey adag tahay in la helo raad-raacyo muujinaya sida ay Murashixiinta ku helaan Isha Dhaqaale ee ay u adeegsadaan Ololahooda Doorasho, waxaana suurto-gal ah in Gacan 3-aad (Shirkad ama Shaqsiyaad) loo soo mariyo, balse ay aad u adag tahay inay Suxufiyiinta dabagal ku sameeyaan si ay u soo  ogaadaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hadal-haynta ugu badan ayaa muujinaya in xilka Madaxweynaha 9-aad ku guuleysan doono Murshax Madaxweyne oo ku sidkan Urur-diimeedyadda ku dhex milmay Siyaasadda ee misna ku xidideystay Golayaasha Dowladda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media