(SAWIRO): Masar oo lagu xiray nin taageersan Xusni Mubaarak, aadna u dhaliila Madaxweyne Al-sisi

Ninkaasi oo lagu magacaabo Kariim Xuseen waxa uu leeyahay Bar Facebook oo uu ku taageero Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak, oo Kacdoon Dadweyne xilka looga qadaay sannadkii 2011-kii.

Dacwad-oogayaasha Masar waxay Kariim Xuseen ku soo oogeen inuu faafinayey Warar Been Abuur ah iyo inuu wax u dhimay Danaha Qaranka, isagoo sheegay inaysan Dowladda Madaxweyne C/fataax Alsiisii wax taageero ah siinin dadka Saboolka ee uu Xusni Mubaarak dhaqaalaha siin jirey.

Eedeysanaha oo maalintii Talaaadada la xiray waxa uu Bog loogu magac daray: “I’m sorry, Mr. President” oo la micno ah  “Waa ka xumahay Md. Madaxweyne “ ku leeyahay Facebook-ga, oo ay in ka badan 3 million Taageerayaal ama Macaamil ku xiran yihiin Boggiisa Facebook-ga.

Dowladda Masar waxay sannadihii la soo dhaafay xabsig dhigtay dad isugu jira Suxufiyiin, U-ololeeyayaal Xuquuqda Aadanaha iyo dadka wax ku qora Internet-ka ee Bloggers-ka iyo kuwo kale.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media