(SAWIRO +MUUQAAL): Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo Kulan Taariikhi ah ku yeeshay Singapore.

Madaxweyne Donald Trump iyo Kim Jong Un waxay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singapore, waxayna si wadajir ah isugu gacan qaadeen Jesiiradda loo dalxiis tago ee Sentosa Island.

Labada Hoggaamiye waxay yeesheen Kulan socday muddo 60 daqiiqoc, iyadoo ay ku wehliyeen 2 Turjumaan, sida ay Warbahinta Caalamka shaaciyeen.

Gacan-yarayaasha labada dhinac ayaa la filayaa inay wada-xaajood dheeraad yeeshaan xilli Qadada.

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu soo dhaweeyey Kulankaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u waanaagsan, halka Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya sheegay inay Caalamka oo dhan ka war sugayaan Natiijadda Kulankaasi.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media