(SAWIRO): Ku-dhawaad labo kun oo Ciiddan u dhashay Uganda oo ku soo wajahan Somalia

Ciiddan tiradooda dhan tahay 1,828 Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa waxaa shalay Tababar loogu soo xiray Xarunta Taageeradda Nabadda ee Singo oo ku taalla Degmadda Nakaseke ee dalkaasi.

Taliye-xigeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Wilson Mabasu Mabadi oo la hadlay Ciiddankaasi waxa uu kula dardaarmay inay si hufan u gutaan Waajibaadka shaqo ee ay ugu ambabaxayaan Somalia.

Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay kala yihiin kuwo ku biiraya Hawlgalka AMISOM iyo kuwo ka mid ah Ilaaladda Khaaska ee Mas’uuliyiinta QM iyo ilaalinta Xarumaha Hay’addaha QM ee ka hawlgala Somalia.

Saraakiil Milliteri oo u kala dhalatay Maraykanka, Britain iyo Holland  ayaa la sheegay inay tababareen Ciiddanka Uganda ee Calanka loo lulay , kuna soo wajahan Somalia.

Dhinaca kale, Taliye lagu magacaabo Kolonel Wilberforce ayaa hoggaaminaya Ciiddanka cusub ee Uganda ee qeybta ka noqonaya Hawlgalka AMISOM,  iyadoo Ciiddanka kale ee Kooxda Ilaaladda Hay’addaha QM ee loo soo dirayo Somalia uu hoggaaminayo Kolonel Nathan Bainomugisha.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media