Dab-damiyayaal badan oo dhowr saacadooda la hardamayey Dabkaasi ayaa laga cabsi qabaa inay geeriyoodeen, kadib, markii uu ku soo dumay Dhismo Ganacsi oo ka kooban 17-dabaq oo uu ku dab qabsaday magaalladda Tehraan.
Duqa magaalladdaasi, BAAQIR Qalibaf ayaa sheegay in la rumeysan yahay inay 20 ilaa 25 qof ku hoos xaniban yihiin burburka Dhismahaasi oo la dhisay sannadkii 1962-kii.
In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay dabkaasi, kuwaasi oo loo gudbiyey goobaha Caafimaadka, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka IRNA.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka FARS ayaa soo werisay inay u badan tahay in ay 30 ka tirsan Shaqaalaha Dab-damiska ku geeriyoodeen dabkaasi iyo in laga cabsi qabo inay sii korodho tirada dhimashadda.
Dhismahaasi ayaa bilaabay inuu soo hoobto ilbiriqsiyo kadib xilli uu bilowday wareysi lala yeeshay Weriye oo si toos ah looga daawanayey Telefishinka Qaranka.
Dhismahan gubtay waxaa ku yaalla Koonfurta Tehran, waxaana inta badan ka furan Xarumo laga dukaamaysto iyo Shirkado farsameeya Dharka iyo Balaastikada.
©Radio Dalsan