Hadal ka soo baxay Xafiiska Dacwad-oogaha Federlka ayaa lagu sheegay in abaalmarin dhan 100,000 oo EURO oo u dhignta 104,000 oo Dollar la siin doono qofkii keenta Warbixin lagu soo qaban karo Ninkasi oo lagu magacaabo Aanis Al-camari, kaasi oo loo haysto inuu Isniintii la soo dhaafay gaari ku dilay 12-qof oo ku sugnaa Suuq ku yaalla Berlin.
Sawirdda Eedeysanaha la baadi-goobayo oo 24-jir ayaa la soo bandhigay, waxaana socda Baaritaan xooggn.
Boliska Tababaran ayaa la sheegay iny saqdii dhexe ee xly u dhaceen 2 Dhismo oo ku yaalla maglldda Berlin, balse, kama aysan soo helin Eedeysanahaasi.
Aabaha dhalay Ninka la raadinayo ayaa sheegay inuu Wiilkiisa 7 sanno ka hor ka soo tahriibay Tunisia, isla markaana uu waqti ku soo qaatay Xabsi ku yaalla Talyaaniga.
Ninkaasi ayaa u muuqda inuu Jarmalka tegay bishii July ee sannadkii hore, lana diiday codsigiisa magangelyo-doonka Qaxootinimo.
©Radio Dalsan