(SAWIRO): Guddoomiyihii hore ee Xiriirka K/Cagta Afrika (CAF), Ciise Xayaatu oo laga guuleystay.

Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta ee Jesiiradda Madagscar, Ahmed Ahmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka K/Cagta Afrika (The Confedertion of African Football), kadib, markii uu ka guuleystay Guddoomiyihii hore, Ciise Xayaatu oo u dhashay dalka Cameroun, oo muddo 29-sanno hayey Xilkaasi.

Doorashadaasi yaa waxay maanta ka dhacday Caasimadda dalk Ethiopia ee Addis Abeba, waxayna Labada Murashax kala heleen  Ahmed Ahmed oo helay 34 cod, halka Ciise Xyatu ka helay 20-cod.

Guddoomiyaha laga guuleystay oo 71-jir waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 1988-dii, wuxuuna kaalin ka geystay Horumarinta K/cagta Afrika.

Guddoomiyaha cusub ee Xiriirka K/Cagta Afrika ( CAF), Ahmed Ahmed oo 57-jir ah waa Aabe leh 2-carruur, wuxuuna Suxufiyiinta u sheegay inuusan isku soo taagi lahaayen Xilkaasi, haddii uusan awoodi karin.

Dhinaca kale, Barta Twitter-ka ee Xiriirka K/cagta Afrika ee CAF ayaa la soo dhigay Natiijadda Doorashadda.

CAF 

✔@CAF_Online

Results of the election: Ahmed Ahmed: 34 votes
Issa Hayatou: 20 votes #CAFGA2017

2:29 PM – 16 Mar 2017 · Giza, Egypt

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media