Sawiro:-Dowladda Masar oo ku dhawaaqday howlo ay ka hirgelineyso…

Wafdigan ka socda dowlada Masar gaar ahaan Wasaaradda Beeraha oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo kulankaasi ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Somaaliya Saciid Xuseen Ciid, Safiir ku xigeenka Safaarada Somaaliya ee dalka Masar danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Qunsulka Safaarada Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El.mahdy oo la hadlay Warbaahinta Qaranka kulanka ka dib ayaa sheegay in Dowlada Masar ay qorsheyneyso in Soomaaliya ay ka sameyso Beer Casri ah oo la mid ah kuwa Dalalka hormaray.

“Dowlada Masar waxay Soomaaliya ka taageereysaa qeybaha ugu muhiimsan ee beeraha oo lagu tiriyo tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Somaaliya sida ay u fududeeyeen in guul uu ku dhamaado Mashruuca beeraha ee Dowlada Masar ugu tala gashay dalka Soomaaliya”.ayuu yiri Qunsulka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhawaan ay ka hirgalin doonaan gudaha Soomaaliya Beer casri ah taasoo tusaale u noqon doonta beeraha kale ee dalka ka jira, waxayna la wadaagi doonaan Soomaaliya Khibrada ay u leeyihiin dhinaca beeeraha.

Tamer Safwat. El.mahdy ayaa intaasi ku daray in ay isla go’aamin doonaan madaxda dowlada Soomaaliya meesha ugu muhiimsan ee laga fulin lahaa mashruuca laga bilabo maanta oo arbaco ah, isagoo cadeeyay in dowlada Masar ay diyaarisay wax kasta oo mashruucaasi ku bixi doono.

Dhinaca kale Masuul ka tirsan Wasaaradda Beeraha Masar oo wafdiga ka mid ah ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan sare u qaadida dhanka Beeraha ee Soomaaliya iyadoo laga amba qaadayo isfahamkii dhanka Beeraha ee Masar iyo Soomaaliya ku dhex maray magaalada Qaahira sanadkii 2015.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media