Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhex geeriyoodeen goobihii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha ee uu dabku baab’iyey.
Dabkaasi oo ilaa barqanimaddii maanta lagu hawlanaa damintiisa ayaa waxa uu bilowday abaarihii 04:00 Habeenimo ee xalay, waxaana la sheegay inay ku baaba’een goobo ganacsi oo aad u badan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu dabku ka bilowday Suuqa Ganacsiga ee Khaliifa, kadibna uu ku soo faafay qeybaha kale ee Suuqa, gaar ahaan Makiinadaha Saliida Macsaradda iyo Dukaamankaa lagu iibiyo Malabka iyo waxyaabaha kale.
Ma cadda waxa sababay Dabkaasi, mana aha markii ugu horreysay ee uu dab baabi’iyo qeybo ka mid ah Suuqaasi oo ah kan ugu weyn dalka Somalia.
©Radio Dalsan