(SAWIRO): Askar ku dhaawacantay qarax Gaari miineysan oo ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye.

Ciiddanka Ammaanka ee DFS oo baacsanayey gaari miineysan ayaa waxa uu si kedis ah ugu qarxay  Degmadda Dayniile, meel ku toosan Kontoroolkii hore ee Afgooye.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Dowladda ayaa lagu sheegay inuu gaarigaasi qarxay wax yar kadib, markii  ay raggii watay kaga carareen meel bacaad ah.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu gaarigu qarxay, xilli ay Ciiddanku baarayeen gaarigaasi.

Dhowr Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida uu sheegay Sarkaal la socday Ciiddankii qabtay gaarigaasi.

Mar sii horreysay, Ciiddanka iyo raggii watay gaarigaasi ayaa waxay isku rasaaseeyeen gudaha magaalladda Muqdisho, waxaana la sheegay inay raggaasi dhowr Askari ku dhaawaceen Degmadda Boondheere.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay ku raad-joogeen gaarigaasi oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media