Xarakadda Alshabaab ayaa soo bandhigay Sawirradda Hawlgalkii qorsheysnaa ee ay Jimcihii la soo dhaafay la beegsadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose.
Hawlgalkaasi ayaa ahaa mid qorsheysan, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab xeradaasi ku dileen 68-Askari oo Kenyan ah, halka kuwo kalena ay nolol ku qabteen.
Afhayeenka Ciiddanka Kenya ayaa sheegtay in 9 Askari looga dilay Weerarkii Kul-biyow, inkastoo Askartii ka badbaaday Weerarkaasi qireen inay in ka badan 60 Askari lagu dilay Kul-biyow.
Weerarka Alshabaab ku qaadeen Xeradda Askarta Kenya ee Kul-biyow ayaa la sheegay inay isku Taatiko ahaayeen weerarkii ay bishii January 15-dii ee sannadkii hore ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo lagu dilay in ka badan 180-Askari.
©Radio Dalsan