HomeWarar(SAWIRO): Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii duullimaadkii Daallo Airlines

(SAWIRO): Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii duullimaadkii Daallo Airlines

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hadal-qoraal oo ay Alshabaab maanta shaaciyeen ayey ku sheegteen mas’uuliyaddii qarixii bishan Federaayo 2-dii lala beegsaday Diyaaradda Daallo Airlines oo ka kacday Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti. Telefishinka Aljazeera oo helay Nuqul ka mid ah Qoraalka Alshabaab ku qirteen Qaraxa Daallo Airlines, ayey Alshabaab ku sheegeen inay qaraxaasi la beegsadeen Saraakiil Reer Galbeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ay Alshabaab maanta shaaciyeen ayey ku sheegteen mas’uuliyaddii qarixii bishan Federaayo 2-dii lala beegsaday Diyaaradda Daallo Airlines oo ka kacday Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti.

Telefishinka Aljazeera oo helay Nuqul ka mid ah Qoraalka Alshabaab ku qirteen Qaraxa Daallo Airlines, ayey Alshabaab ku sheegeen inay qaraxaasi la beegsadeen Saraakiil Reer Galbeed ah, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Alshabaab waxay intaasi ku dareen in Qaraxii Daallo Airline uu qeyb ka yahay Hawlgalo lagu beegsanayo Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka iyo  Saraakiisha ciiddanka Turkishka ee Isbahaysiga NATO, waa sida Alshabaab hadalka u dhigeen.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Qaraxaasi fal-celin u ahaa Dembiyadda ay Isbahaysiga Reer Galbeedka iyo Hay’addahooda Sirdoonka ka galeen dadka Muslimiinta ee Somalia, waa sida ay Alshabaab ku caddeeyeen Qoraalkooda.

Diyaaraddaa Daallo ee bishan 2-dii lala begesaday Qaraxaasi waxa ku geeriyooday  Nin magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/raxmaan Boorle, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeyey qaraxaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale, qaraxaasi waxaa ku dhaawacantay 2-qof oo ka mid ah Rakaabka Diyaaradda, wuxuuna qaraxuduleel dhererkiisu dhamaa Hal mitir ka sameeyey qeyb ka mid ah Diyaaradda.

Dhinaca kale, Ninka lala xiriirinayo qaraxaasi ayaa la sheegay inay u suurto-gashay inuu baaritaan la’aan kala soo gudbo Laptop-kii uu ku fuliyey qaraxaasi  Hannaanka Baaritaanka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Kameerooyinka Qarsoon ee ku rakiban gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa laga dheehday Muuqaalo ka markhaati kacayo inuu C/llaahi C/raxmaan Boorle ahaa Ninkuu fuliyey qaraxii laga badbaaday ee Diyaaradda Daallo Airlines.

Hay’addaha Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Amniga ayaa weli ku hawlan baaritaanka qaraxaasi, waxaana la soo qabtay Tobaneeyo qof oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin Kiiska Qaraxa Shirkadda Daallo Airlines ka badbaaday.

Xigasho: Aljazeera

DAALLO 2 DAALLO 3 DAALLO 4

©Radio Dalsan     

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts