(SAWIRO): Al-shabaab oo soo bandhigay Askari u dhashay Uganda oo lagu qabtay Werarkii Jannaale.

Xarakadda Al-shabaab ayaa maanta soo bandhigay Askari u dhashay Uganda oo ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qabteen weerarkii ay bishii September ee sannadkii hore ku qaadeen Saldhigga AMISOM ku leeyihiin Degaaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

Askariga Uganda ee ay Xarakadda Al-shabaab soo bandhigeen ayaa lagu magacaabaa Masaasa M.Y. kaasi oo Ciiddanka AMISOM ku soo biiray sannadkii 2009-kii.

Hadal Baaq ah oo uu jeediyey Askarigaasi ayuu kaga codsaday Madaxweynaha Uganda inuu dadaal u galo sidii isaga loo sii dayn lahaa.

askari-uganda-jpg1 askari-uganda-j2

askari-uganda-000

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor