(SAWIRO): 12 qof oo xalay lagu dilay Suuq ku yaalla Caasimadda dalka Jarmalka.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Dareewal waday Gaari Xamuul uu jiirsiiyey dad ku sugnaa Suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Berlin, halkaasi oo ay 12 qof ku geeriyootay, 48-kalena ku dhaawacmeen.

Twitterka Boliska Jarmalka ayaa lagu sheegay in la qabtay hal Eedeysane iyo inuu geeriyooday qof kale oo rakaab ahaa oo la socday gaariga dadka ku jiray dad ku xoonsanaa goob lagu iibiyo Khamriga iyo Kawaabka.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in la qabtay Dareewalka oo la tuhunsan yahay inuu ka soo jeedo Afganistan ama Pakistan, kaasi oo Jarmalka qaxooti ahaan ku soo galay bishii Feberaayo ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor