(SAWIRO): Muwaadin Somali magangelyo-doon ah oo sheegtay inuu ka tirsan yahay Koox Islaami ah oo lagu xiray dalka Austria.

Ninkaasi oo 24-jir ah ayaa lagu qabtay Xaflad Dhaqameed oo ka socotay Dugsi lagu xannaaneeyo Carruurta oo ku yaalla Degmada yar ee Oberndorf ee dalkaasi.


Duqa Degmaddaasi oo lagu magacaabo Rupert Imlinge ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninkaasi oo la sheegay inuu soo galay Xaflad ka socotay Dugsi lagu xannaaneeyo Carruurta, kadibna uu halkaasi ka akhriyey Qur’aanka Kariimka.

Ninkaasi waxaa garba-duub u qabteen Askari iyo  labo nin oo ka tirsanaa Guddiga Munaasbdaasi.

Muuqaal Video oo la soo dhigay Wargeyska HEUTE ayaa laga dhehan karaa Ninka Soomaaliga oo soo galayo Madasha Masraxa ay Carruurta iyo Waalidiintooda xafladda ka dhigayeen Axaddii la soo dhaafay,

Waxaana la mqlayey iyadoo uu Ninka Soomaaliga ku dhawaaqayo “Allaahu Akhbar” iyo isagoo sheeganayo inuu ka tirsan yahay Kooxda Al-Nusra Front ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Boliska ayaa markii dambe sheegay inay  yaqaanaan Ninka Soomaaliga, isla markaana uu muddo 2 sanno ka mid ahaa Dadka Deegaanka.

Waxay intaasi ku dareen inuu ninkaasi ka xanuunsan yahay Dhimirka, iskuna buuqsan yahay, waxaana u socotay Daaweyn.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay baaryaan wararka uu ku sheegtay inuu ka tirsan Kooxda Al-Nusra Front iyo haddii uu cabsi ku noqon karo dadka Austrian-ka.

©Radio Dalsan

Xigasho: IB Times UK

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor