Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa shaaciyey inay Kooxaha Gurmadka shalay soo badbaadiyeen 2,400 Tahriibayaal la socday Doonyo ka soo shiraacday Xeebaha Liibiya.
Qoraal ay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga soo saareen waxay ku sheegeen inay Tahriibayaashaasi la socdeen doonyaha caagga ee la buufiyo iyo dooni kale
Kooxaha Gurmadka waxay kaloo sheegeen inay soo saareen maydadka 14 Tahriibayaal.
Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay bartooda Twitterka soo dhigeen inay 12 Tahriibe oo 4 ka mid carruur yihiin ku geeriyootay muddadii lagu jiray Gurmadkaasi.
Tahriibayaasha la badbaadiyey ayaa waxay badankooda ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Sudan, Eritrea iyo dalalka ka hooseeya Lama-degaanka Saxaraha Afrika.
Dhinaca kale, Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa sheegtay inay in ka badan 3,100 Tahriibe sannadkan ku geeriyoodeen Safarka Badda ee ay Tahriibayaasha ku doonayaan inay ku soo gaaraan Xeebaha Qaaradda Europe.
©Radio Dalsan