(DEGDEG + SAWIRO): Boliska Jarmalka oo ku raad-jooga Nin u dhashay dalka Tunisia oo gaari xamuul dad ku jiirsiiyey Berlin.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Dukumenti uu ku qoran yahay magaca Anis A. ka heleen kursiga Dareewalka  gaarigii 12-ka qof ku dilay Suuq ku yaalla magaalladda Berlin.

Wargeyska maalinlaha ee BILD ayaa qoray inay Boliska yaqaaneen  ninkaasi oo 24-jir ah khatar ahaa, waxaana laga digay inuu hubeysan yahay.

Wargeyska Der Spiegel ayaa qoray inNinka la baadi-goobayo  la sheegay inuu isticmaalo labo magac oo kala ah Anis A iyo Ahmed A.

Warbaahinta Jarmalka ayaa qoray in Ninkaasi fasax uu ku joogi karo Jarmalka la siiyey bishii April ee la soo dhaafay, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ilaalo ku hayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-gobaleedka Bavarian ee dalka Jarmalka, ayaa u sheegay Idaacadda Jarmalka inay jirto khatar weyn ee Weeraradda Islaamiyiinta oo ay u sabab tahay Qaxootiga soo galay dalkaasi.

 

Anis Amri

Tunisian terror suspect that is on the run known to be using two names Anis A. and Ahmed A.

A damaged windscreen of a truck which ploughed through a crowd at a Christmas market on Breitscheidplatz square

Security and rescue workers tend to the area after a lorry truck ploughed through a Christmas market on December 20, 2016 in Berlin, Germany

View of the truck that crashed the evening before into a christmas market

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor