Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Afganistan oo toogasho lagu dilay

Dabley hubeysan ayaa la shegay inay dileen Ku-xigeenkii Agaasimihii Sirdoonka ee Gobalka Baglan ee Waqooyiga dalkaasi.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jirey C/qafuur Maxamuud waxaa la toogtay maanta, xilli uu ku sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Toogashadaasi waxaa ay ka dhacday duleedka caasimadda Gobalka Baglan ee Puli Khumri, iyadoo Sarkaal kale oo la socday lagu dhaawacay weerarkaasi.

Dhinaca kale, ugu yaraan 8 carruur ah ayaa ku geeriyootay, 2 kalena wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Degmadda Muqer ee Gobalka Qasni ee K/bari ee dalkaasi.

Carruurta ayaa la sheegay inuu ku qarxay qarax miino oo lagu aasay waddo dhinaceeda oo ay ku ciyaarayeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media