Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Seddex Geesoodka ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadahiisa Aqoonsiga waxaa ka Guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Suudaan Marwo Asma Cabdalla.
Danijire Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan ka hor inta aysan ka guudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh, isagoo cadeeyay in Dawladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaas oo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad, waxuuna intaa ku daray in kan Safiir ahaan uu balan qaadayo inuu ka shaqeynayo siddii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Labada Dal ee Walaalaha ah.
Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka guddoontay Nuqul ka mid ah Warqadahiisa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim, wayna u mahad celisay, iyaddoo sheegtay in ay u rajeyneyso in uu ka shaqeeyo xiriir Wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah.
Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda u magacowday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Guddoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dalka Suudaan.