Saraakiisha DF oo soo Bandhigay Wiil yar oo kasoo goostay Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Bandhigeen Wiil yar oo isku soo dhiibay, kaasi oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Wiilka yar ee ka tirsanaa Al-shabaab horey looga afduubtay waalidkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in Wiilka isku soo dhiibay Ciidanka lagu Mgacaabo Maxamed Aadan Isxaaq oo ah 15 jir, isla markaana uu kasoo baxday Al-shabaab lana soo dhaweeyay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya bil kahor la wareegay Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo in muddo ah ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay isku soo dhiibeen dhalinyaro kasoo baxsatay Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media