Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka DANAB ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu xubnahaas ku jiray Sarkaal la sheegay inuu Shabaab qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeellooyinka.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa u sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman), uuna Al-shabaab u qaabilsnaa Maaliyadda Shabeellooyinka.
Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacago, iyagoo Ciidanka soo saaray miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah oo la geliyay waddooyin ku yaalla halka howlgalka laga fuliyay.
Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ayaa horey howlgalo kala duwan oo ka dhan ah Al-shabaab uga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay iyaguna weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.