Saraakiisha Ciidanka xoogga oo sheegay in ay Howlgal ku qabteen  xubno ka tirsan Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, waxaana ay sheegeen in howlgalladaasi ay ahaaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay tilmaameen ku sugan Gobboladaasi.

Waxaa ay sheegeen Saraakiishu in Howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale iyo kuwa kale waxaana ay intaa ku dareen in Howlgalkaas oo qaatay saacado badan ay ku qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Taliyaha howlgalka Hoggaaminaya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo qaalbilsanaa miina galinta waddada udhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa  in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan  Al-Shabaab si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe  taliyaha ciidanka howlgalka fuliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor