Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay dileen Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Saraakiisha horkacaysa waxaa  ay sheegeen in ay ku dileen Afar dagaalaame oo ka tisranaa Al-shabaab, waxaana intaas ay ku dareen in ay  gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shaab, kaasi oo ay sheegeen in ay howgalka ku qabteen.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay ku sugan yihiin dagaalamaayasha Al-Shabaab, kadibna ay kubaxeen.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda ah waxaa ay sameynayeen howlgallo culus oo ka dhan ah AL-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeralayda ah iyo ganacsatada inay u hoggaansamaan isku dayada AL-Shabaab kula macamiiltamayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor