Saraakiil sarsare oo ka tirsan Milliteriga Waqooyiga Kuurya oo xilalkii laga qaaday.

Sarkaal sare oo Maraykan ayaa sheegay in xilalkii laga qaaday Saddexda Sarkaal ee ugu sareeya Milliteriga Waqooyiga Kuurya.

Waxa uu tilmaamay inay Saraakiishaasi mucaaradsan yihiin Tallaabadda uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un ugu dhawaanayo dalalka Mraaykanka iyo Koonfurta Kuurya.= iyo qorshaha lagu burburinayo Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa qortay in dhamaan 3-daasi Sarkaal laga qaaday Xilalka, loona wareejiyey Xilal kale.

Wakaalladda waxay sheegtay in Xilalka laga qaaday Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi,  Pak Yong Sik; Taliyaha Ciiddanka Dadka Kuurya, Ri Myong Su, iyo Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Ciiddanka Dadka Kuurya, Kim Jong Gak.

Dhamaan Saddexdaasi Sarkaal waxaa lagu bedelay Saraakiil dhallinyaro ah oo u daacad ah Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un oo isagu Talada dalkaasi la wareegay sannadkii 2011-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media