Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug, waxaana halkaasi ay ka wadaan kulamo kala duwan.
Saraakiisha Ciidan oo uu Hoghaaminayo Taliyaha cusub qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Maxamed Dhagawayne gaaray halkaasi waxaana ay la kulmeen Saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.
Taliyaha iyo Masuuliyiinta kale ee ku weheliya Socdaal kiisa ayaan wali la faah faahin u jeedka safarkooda magaalada Dhuusamareeb.
Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in degaanada maamulka Galmudug ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo xooggan oo dagaalamayaasha AS looga saarayo degaanada ay ka joogaan Maamulka Goboleedka Galmudug.