Saraakiil ka tirsan Boliska AMISOM oo lagu abaal mariyey hawshii ay u joogeen Somalia

16 Saraakiil Bolis oo ka hoos shaqeynaysay Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM ayaa lagu abaal mariyey Billado, kadib, markii ay si hufan uga soo dhalaaleen Hawlihii ay u joogeen gudaha Somalia.

Saraakiishaas waxay ka kala socdeen dalalka Kenya, Sierra Leone iyo Zambia, waxayna si guul leh ku dhamasytay xilli-hawleedka halka sanno ee ay qeybta ka ahaayeen Boliska AMISOM.

Muddadii ay joogeen waxay Tababar, Wacyi-gelin iyo La-talin siiyeen dhigooda Ciiddanka Boliska Somalia.

Xiriiriyaha Boliska AMISOM ee dhinaca Hawlgalladda, ahna Ku-xigeenka Taliyaha Boliska AMISOM, Cali Gawambal waxa uu ku booriyey Saraakiisha billadaha la guddoonsiiyey inay Khibradooda ugu adeegaan sidii Nabad iyo Ammaan looga dhalin lahaa guud ahaan Qaaradda Afrika.

AMISOM waxay Barnaamijyo Tababar siiyaan Boliska Somalia si looga taageero horumarinta Awoodda iyo Khibradda Ciiddanka, taasi o oqeyb ka ah qorahsha Xilliga Kala-guurka ee ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia sannadka 2021-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media