Saraakiil Ciidan oo si dhuumaaleysi loo tahriibin lahaa oo gacanta lagu dhigay

Telefishinka Dowladda Itoobiya ee ESAT TV ayaa baahiyey Warbixin ku aadan inay gacanta ku dhigeen 3 Sarkaal oo ka tirsan TPLF, kuwaasi oo si dhuumaalaysi ah looga bixin lahaa Gobalka Tigrayga.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hay’ad Caalami oo aan Dowli ahayn (An International NGO) lagu helay inay gacan ka geysanayeen Saraakiisha TPLF ee sida dhuumaalaysiga looga saari lahaa Gobalka Tigrayga.

Ciiddanka Federalka Ethiopia ee Xogtan laga soo xigtay wey ka gaabsadeen inay shaaciyaan magaca Saraakiisha TPLF ee laga bixin lahaa Gobalka Tigrayga ee ay colaadaha ka socdaan.

Sidoo kale, lama shaacinin magaca Hay’adda NGO-ga iyo xubnaha ku lugta lahaa qorshahaasi ;a sheegay in la fashiliyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor