• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Bilan Media

Sannad-guuradii Saddexaad ee Bilan Media

Bilan Media by Bilan Media
April 11, 2025
in Bilan Media
Reading Time: 5 mins read
A A
Sannad-guuradii Saddexaad ee Bilan Media

On 27th March 2022, women in central Berbera in Somaliland.

816
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa qortay: Hinda Abdi Mohamoud
Tafatiraha guud ee Bilan – Warbaahintii ugu horreysay ee dhammaan dumar ah ee Soomaaliya Muqdisho

“Saddex Sanno oo Shaqo, Samir & Guul ah”

Saddex sanno ka hor, koox yar oo leh yool weyn ayaa isugu timid xafiis yar. Waxa ay wadaageen riyo kaliya; in ay cod siiyaan kuwa aan codka la siinin oo ay dunida la wadaagaan sheekooyinka muhiimka ah, mana aysan ogeyn halka uu safarkoodu ku dambeyn doonno.

Hammigooda waxa uu ahaa mid cad bilowgii, kaas oo ahaa in ay soo saaraan warbixino mug leh oo gaadhaa bulshada Soomaaliyeed iyo dhagaystayaal caalamka . Riyadii maalinkii ayaa maanta isu beddeshay madal warbaahineed oo awood leh oo saameyn weyn ku leh gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Muddo saddex sanno gudaheed ah, kooxda Bilan waxa ay soo saartay boqolaal warbixinno, muuqaallo, iyo barnaamijyo kala duwan. Shaqadoodu waxa ay taabanaysaa arrimo muhiim ah sida; arrimaha  bulshada, isbeddelka cimilada, xaaladaha bini’aadantinimo, cadaaladda, dhaqanka, hal-abuurka, xuquuqda aadanaha, horumarka, siyaasadda, arrimaha haweenka iyo dhallinyarada.

Waxa ay soo tebiyeen in ka badan 300 oo sheeko, kuwaas oo isugu jira kuwo aan hore loo tebin iyo kuwo saameyn leh, sida dadka la takooro ee la nool xanuunka   HIV, nolosha dadka qaba xanuunka baraska/barasta (albinism), dhibaatada mukhaadaraadka iyo daroogada, hooyooyin kiraysta carruurta si ay u tuugsadaan, wacyigelinta  gabdhaha yar yar ee xilliga qaan ku jira ee iskuulayda ah.

Sheekooyinkan waxa ay gaadheen dhegaystayaasha caalamka iyada oo loo marayo iskaashiga ay Bilan media la leedahay warbaahinta caalamiga ah sida; BBC News, The Guardian, El País, The Missing Perspectives, The New Humanitarian, Avvenire iyo kuwo kale oo badan.

Dhanka kale Bilan waxa ay ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee One World Media Press Freedom  Award, waxaana sidoo kale loo magacaabay (nominated) abaalmarinta Xorriyadda Hadalka ee Index on Censorship iyo Abaalmarinta Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah ee Nuremberg.

Sidoo kale, Tifatiraha Guud ee Bilan — Hinda Abdi Mohamoud — waxaa loo aqoonsaday mid ka mid ah liiska boqolka haween ee ay soo saarto BBC 100 women list 2024, liiskan ayaa lagu sharfaa haweenka saameynta ku leh dunida.

Dad karti leh ayaa kusoo biiray Bilan media  oo horumar xirfadeed ku sameeyay. Qaar ayaa safarkooda ku bilaabay si tababaro (internship) ah, balse maanta waxa ay yihiin shaqaale joogto ah.  tusaale ahaan, Ifrah Isse,  waxa ay ku bilowday tababar, haddana waa  Madaxa Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Bulshada.

“Waxa aan ku soo bilaabay tababar Bilan media , maanta waxaan ahay shaqaale rasmi ah, waxaanan, maamulaha Isgaarsiinta iyo baraha Bulshada.” Ifrah Isse

Xubnaha kale ee kooxda sida Sadia Nuur iyo Farhio Murad, ayaa iyaguna ka hadlay safarkooda;

“Waxa aan ku faanayaa in aan ka tirsanahay Bilan,” Sadia

“Safarkan wuxuu si weyn u horumariyay xirfadayda kamaradda iyo muqaal samaynta,” Farhio

Safarkan waxa ay ka barteen maalin kasta casharro cusub. In kasta oo caqabado badani jireen, haddana deddaalkooda iyo adkeysigoodu marna ma istaagin. Waxay wajahayeen dhibaatooyin wayna ka gudbeen.

Maanta, Bilan mahan oo kaliya koox warbaahineed. Waa bulsho mideysan, oo leh hadaf cad iyo aragti dheer; taas oo ah in ay wax ka beddelaan warbaahinta Soomaaliya iyo  dhisida mustaqal u ifiyaya gabadha warbaahinta ku jira.

 

“Maahan oo keliya in aan sheekooyinka soo tebino, ee waxaan dhiseynaa dhaxal. Shaqadeennu waxa ay fure u tahay mustqabalka dumarka da’da yar ee doonaya in ay saxaafadda ku  soo biiraan.” Hinda Cabdi Maxamuud, Tifatiraha Guud ee Bilan

Bilan waa kooxda warbaahineedii  ugu horreysa ee ay dhammaantood dumar yihiin ee Soomaaliya. Waxaa maalgelinaya Midowga Yurub iyada oo loo sii marayo UNDP, waxaana martigelisa Dalsan Media Group. Bilan waxay iftiimisaa arrimaha ay haweenku ka walaacsan yihiin waxayna siisaa cod haweenka Soomaaliyeed.

Previous Post

Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi Holds Talks with Dutch Minister of Asylum and Migration on Strengthening Bilateral Ties

Next Post

Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA
Bilan Media

ROOBABKII XOOGANAA EE MUQDISHO DA’AY IYO SAMEYNTA UU KU YEESHAYWADDOOYINKA

May 20, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.
Bilan Media

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.

April 27, 2025
Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year
Bilan Media

Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year

April 11, 2025
Harassment Against Women Swimmers at Lido Beach: “We Swim in Fear”
Bilan Media

Harassment Against Women Swimmers at Lido Beach: “We Swim in Fear”

April 8, 2025
Somalia: A factory turns plastic waste into jobs for displaced women
Bilan Media

Somalia: A factory turns plastic waste into jobs for displaced women

March 19, 2025
Next Post
Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year

Untold Stories, Unheard Voices: Bilan’s Third Year

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Mogadishu — The corridors of power in Mogadishu are shifting once again, as Mahad Maxamed Salaad is officially set to...

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Tehran — In a chilling revelation that could shift the delicate balance of power in the Middle East, Iranian state...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

by Ilhaan
June 14, 2025
0

Waxaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka imtixaanka shahaadiga ah ee...

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

by Ilhaan
June 14, 2025
0

Televishinka qaranka Iran ayaa Sabtidii baahiyay war sheegaya in hay’adaha sirdoonka Iran ay heleen dukumeenti xasaasi ah oo la xiriira...

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
English News

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation
English News

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil
Warar

Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Exams Begin Across Somalia: Students Sit for the Future
English News

National Exams Begin Across Somalia: Students Sit for the Future

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
  • Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation
  • Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
  • Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00